Maanta oo Khamiis ah ayaa la shaaciyey in Magalada Muqdisho uu ku soo wajahan yahay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo looga adkaaday doorashadii Madaxtinmo ee ka dhacday dalka 8-dii Bishii February Sanadkii tegay ee 2017.
Diyaar garow ku aadan soo dhaweynta Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa laga dareemayaa magalada Muqdisho,waxaana qaban qaabada ugu badan wada xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya.
Markii uu yimaado Magalada Muqdisho ayaa Warar soo baxaya waxa ay sheegayaan in uu ku dhawaaqi doono Xisbi Weyn oo uu hoggaamin doono,isla markaana ay ka mid noqon doonaan Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya.
Xasan Sheekh Maxamuud oo hadda ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dalka ka maqnaa wax ku dhow laba Sano tan iyo markii looga adkaaday doorashadii ka dhacday Muqdisho,waxaana waqtigiisa inta badan uu ku qaatay dalka Turkiga.