Weerarkaan ayaa xalay saqdii dhexe waxa uu ka dhacay tuulada Xawaadley oo hoostagta degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe,waxaana la sheegay in la weeraray Guri uu deganaa Sarkaal ka tirsan Ciidamada Dowladda.
Dad ku sugan degmada Balcad ayaa u sheegay Radio Dalsan in rag hubeysan ay xalay Weerareen Sarkaal hore oo ka tirsanaa Ciidamada Dowladda guri uu ka deganaa tuulada Xawaadleey kaas oo Magaciisa lagu sheegay Jeylaani Faroole,isla markaana halkaasi uu ka dhacay dagaal xooggan.
Sarkaalka ayaa degan Guri ku yaalla Tuulada Xawaadley oo 22km dhinaca Bari ka xigta degmada Balcad ee Gobolla Shabeellaha Dhexe,waxaana la sheegay inay weerareen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab.
Jeylaani Faroole oo ah Sarkaalka Gurigiisa la weeraray ayaa isna waxa uu sheegay inay soo weerareen Al-Shabaab balse uu iska difaacay dagaalkii lagu soo qaadayna wax khasaaro ah uusan ka dhalan.
Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in Sarkaalka jeylaani Faroole uu dhaawac fudud ka soo gaaray weerarkii xalay saqdii dhexe lagu qaaday guriga uu deganaa.
Tuulada Xawaadley ayaa waxa ay ka mid tahay tuulooyinka hoostaga degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ee ugu amniga Wanaagsan,waxaana Gacanta ku haya Ciidamo hoostaga Maamulka degmada Balcad.
Maamulka degmada Balcad iyo Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka weli kama hadlin weerarka xalay Al-Shabaab ku qaadeen Hoyga Sarkaal ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya.