Waxaa Maanta xaalad deganaansho ah laga dareemayaa Magalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose halkaas oo xalay ay weerar ku qaadeen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab.
Dagaalka oo dhacay xalay fiidkii ayaa waxaa uu socday mudo ku dhow Saacad,waxaana Mas’uuliyiinta Maamulka Magalada Marka ay sheegeen inay iska difaaceen Al-Shabaab oo weerar ku soo qaaday.
Dad ku sugan Marka oo aan saakay la hadalnay ayaa waxa ay sheewen saakay waaberigii Ciidamada Millateriga ah ee ku sugan Marka ay bilaabeen howlgallo baaritaano ah oo ay ka sameynayaan xaafado ka tirsan Magalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose.
Saraakiisha Ciidamada xoogga dalka ee Gobolkaas iyo mas’uuliyiinta Maamulka degmada Marka weli faah faahin kama bixin khasaaraha ka dhashay dagaalkii xalay Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab dhex maray iyo howlgalka saakay ay ka wadaan Magalada Marka.
Wararkii ugu dambeeyey ee haatan aan ka helnay Magalada Marka ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada dowladda ay howlgal ka wadaan Xaafad-Ruusiya oo ka mid ah xafadaha degmadaas,isla markaana uu saameyn ku yeeshay isku-socodka dadka iyo Goobaha Ganacsi.