Madaxweynaha Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo sumadeedu tahay SL/XM/WM/222-375/112019 uu magacaabis iyo xilka qaadis ku sameeyey masuuliyiinta ugu saraysay ciidanka booliska Somaliland.
Wareegto Madaxweyne
Magacaabid
Markaan Arkay: Dastuurka Somaliland, Qodobka 90aad;
Markaan Tixgeliyey: Ahmiyadda Ciidanka Booliska Somaliland u leeyahay dhismaha iyo amniga;
Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda, iyo Waaya-aragnimadooda;
Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;
Markaan Sameeyey: La-tashi;
Waxaan Go’aamiyey;
In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan:
- Sareeye Guuto, Maxamed Aadan Saqadhi Maxamuud Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland.
- Sareeye Guuto, Cabdi Xasan Mire Faarax Taliye Ku-xigeenka Koowaad ee Ciidanka Booliska Somaliland.
Ujeeddo: Xil Ka-qaadis
Ku: Sarreeye Guuto, Faarax Maxamed Mire
Taliye Ku-xigeenkii hore ee Ciidanka Booliska Somaliland.
Sida aad la socoto, xilka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii loo garto. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad u haysay ee Taliye Ku-xigeenka Koowaad ee Ciidanka Booliska Somaliland.