Madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Kuwait oo uu horkacayo Danjire Cabdullahi Maxammed Odowa ayaa kulan la qaatey Madaxda ugu sareysa Bisha-Cas ee Kuwait.
Ujeedka kulankan oo ahaa sidii Dalka Kuwait, gaar ahaan, Bisha-Cas oo caan ku’ah taakuleynta umadda Soomaliyeed xiliyadda adag, ay uga qaybqaadan lahayd gurmadka caalamiga ah ee lagu taakuleynayo dadkii wax yeeladu ka soo gaaray roobabka iyo fatahaadaha Wabiyadda Shabeele iyo Jubba Gaar ahaan masiibadda ka taagan Magaalada Beled Weyne ee Gobolka Hiiraan.
Iyagoo kaja waabaya codsiga Safaaradda, Bisha-Cas ee Dalka Kuwait waxay balanqaadeen waxtar ballaaran oo deg-deg ah.