Dhageyso:-Ciidamada dowladda oo Al-Shabaab kala wareegay deegaano ay maamulayeen+Sawirro

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ayaa Maanta waxa ay weerar qorsheysan ku qaadeen tuulooyin hoosatga degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Howlgalka ayaa waxaa hoggaaminayay Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliya Odawaa Yuusuf Raage,waxaana Saraakiishu ay sheegeen inay Al-Shabaab kala wareegeen tuulooyin dhowr ah,iyada oo aan wax dagaal ah ka dhicin.

Guddoomiyaha degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe Qaasim Cali Nuur(Furdug) ayaa sheegay inay la wareegeen deegaanada,Daniga-Baaloow,Buulo Barwaaqo,Walamow iyo Garasweyn oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Waxa uu sheegay in hwolgalka uu yahay mid sii socon doono,isla markaana uu ahaa mid dhowr jiho ah ay ka galeen deegaanadii ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.

Tuulooyinka Maanta Ciidamada xoogga dalka ay weeraraka ku qaadeen oo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab ayaa u dhexeysa Magaalooyinka Balcad iyo Afgooye,iyada oo aheyd goobo ay weerarada ka soo qaadi jireen.

Hoos Ka Dhageyso Codka Guddoomiyaha degmada Balcad.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor