Akhriso:-Sababta keentay in Madaxweyne Waare Isku-shaandheyn ku sameeyo Golihiisa Wasiirada

Gelinkii dambe ee Maanta ayaa waxaa Madaxweynaha Dwlad goboleedka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare uu isku-shaandheyn ku sameeyay Golihiisa Wasiirada.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa jirtay hadal-heynta ku aadan Isku-shaandheyntaas,hayeeshe waxaa barbar socday sidoo kale mooshin la sheegay inay wadaan Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Hir-Shabeelle.

Xildhibaanada Hir-Shabeelle ayaa dhowr bil ka hor mooshin ka keenay Madaxweyne Waare,hayeeshee kulamo uu Xildhibaanada qaar u la yeeshay ay keentay inay ka laabtaan mooshinkaas.

Hadaba waxaa la isweydiinayaa waxa xilligaan keenay in Madaxweyne waare uu Isku-shaandheyn ku sameeyo Golihiisa Wasiirada,hayeeshee jawaabta soo baxday ayaa noqotay in uu meesho ka baxo mooshin la sheegay inay ka wadeen Xubno ka tirsan Baarlamaanka Hir-Shabeelle iyo culeysyada Siyaasadeed ee u mararka qaar kala kulmo.

Xubnaha Golaha Wasiirada ee Isku-shaandheynta lagu sameeyay oo ka kooban 12 Wasiir 14 wasiir kuxigeeno iyo  9 Wasiiru Dowlayaal ayaa waxaa xusid mudan in dhammaantood ay yihiin Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Hir-Shabeelle.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor