Wasaaradda Warfaafinta XFS ayaa gaashaanka ku dhufatay Qorshe uu Xafiiska QM ee Somalia (UNSOM) ku doonayo inay Shirkad Isgaarsiin oo laga leeyahay dalka Kenya la siiyo Qandaraaska Tebinta Tooska ee Live Streanm-ka ee Doorashadda Madaxtinimadda Somalia oo la qaban doono dabayaaqadda bishan January.
Qandaraaskaasi oo ay ku kacayso in ka badan 200,000 oo Dollar ayaa waxay Wasaaradda Warfaafinta doonaysaa in la siiyo Shirkadda Maxaliga ee Somali Optic, waxayna ku tilmaamtay qorshaha Qandaraaskaasi lala galay Shirkadda CATS ee Fadhigeedu dhexe yahay magaalladda Nairobi yahay mid ka hor imaanayo Sharciga Somaliaa.
Radio Dalsan waxa u suurto-gashay inay arkaan E-mail ay is-dhaafsadeen Wasaaradda Warfaafinta iyo UNSOM, oo horey u codsatay burburinta Heshiiska lala galay shirkad ka diiwaan gashan Kenya iyo inay QM ku fashilantay inay la tashadaan Wasaaradda Warfaafinta.
E-mailka waxaa kaloo lagu muujiyey inay Wasaaradda Warfaafinta u gudbisay dhacdadaasi Waaxda Socdaalka ee Somalia.
Wasaaraddu waxay horey u soo saartay Liiska Idaacadaha Gudaha ee la sheegay inay awoodi u leeyihiin inay si toos ah Live Stream ugu tebiyeen Doorashooyinkii dhacay bilowgii bishan January.
Liiska waxaa kaloo ku jiray Shirkadaha Isgaarsiinta ee Horn Connect, Hormnud, Fibre Optic Network iyo Telefishinadda Universal, Horn Cable, Somali Cable iyo SNTV.
Tebintii Doorashadda Afhayeenka iyo Ku-xigeenadiisa iyo Xildhibaanadda waxaa si toos ah looga tebiyey Telefishinka Dowladda ee SNTV.
“SNTV waxay ku guuleysatay inay si toos ah u tebiyaan Doorashooyinka AFhayeenka Barlamaanka iyo Dhaarintii Xildhibaanadda, waxayna sii wadi doontaa ilaa ay ka dhacayso doorashadda Madaxweynaha” sidaas waxaa yiiri Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan “Yariisow” oo ahaa Wasiir hore, kaasi oo Bartiisa Facebook soo dhigay Qoraal uu kaga horjeedo Tallaabadda UNSOM.
QM ayaa diiday codsiyo uga yimid Shirkadaha Isgaarsiinta ee ka hawlgala gudaha Somalia.
“Kama war hayo Isfaham la’aantaasi, Ma I siin kartaan Faahfaahinta dheeraadka ee ku aadan dabeecadda Isfaham la’aanta ee ku saabsan waxa aad maqasheen”ayey tiri Agaasimaha Isgaarsiinta ee Xafiiska UNSOM, Cassandra Nelson oo ka jawaabtay su’aal E-mail oo ay Radio Dalsan ku weydiiyeen mar aan la xiriirnay Xafiiska UNSOM.
Dhinaca kale, Wasaaradda Warfaafinta ayaa sheegtay inay E-mailo ka dhan ah UNSOM u kala direen dalalka Maraykanka, Britain, Midowga Europe iyo Safaarado kale, oo ku aadan Dacwadda in Telefishinka Dowladda loo diiday Qandaraaska Tebinta Tooska ee Live Stream ee Doorashadda Madaxtinimadda Somalia.
Ilo ku dhowdhow Wasaaradda Warfaafinta ayaa sheegay inay doonayaan inuu Madaxa Sare ee UNSOM, Ambassador Michael Keating soo farageliyo arrinta, si loo baaro Eedeymaha lagu eedeeyey Hab-dhaqanka Shaqaalihiisa.
Is-jiidjiidka u dhexeeya Wasaaradda Warfaafinta iyo Xafiiska UNSOM waxa uu keenay inay ka caroodaan Telefishinadda Madaxa-bannaan oo iyagu badankooda u muuqda kuwo taageersan UNSOM.
Agaasimaha Telefishinka madaxa bannaan ee SBC, Sharmaarke ayaa u sheegay Radio Dalsan inay taasi micnaheedu tahay inay Telefishinada hoos tegi doonaan SNTV.
“Micnaha taasi ayaa ah inaan hoos tegi doono SNTV, sidaa darteeda ma awoodi karno inaan Kontoroolno waxa ay SNTV doonayaan” ayuu yiri Sharmaarke oo sheegay in iyaga mar hore loogu diiday inay si toos ah u adeegsano Dayax-gacmeedyadeenna.
©Radio Dalsan