Akhriso:-Midowga Afrika oo Baaq u diray Beesha Caalamka

Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika, Muusa Faki Maxamed waxa uu si kulul u cambaareeyey weerarki ay Alshabaab dhawaan ku qaadeen  Ciiddan ka tirsanaa Hawlgalka AMISOM, kuwaasi oo ku sugnaa duleedka Degmadda Balcad ee Gobalka Sh/dhexe.

Weerarkaasi ayaa la sheegay inuu Ciiddanka Burundi ka soo gaaray Khasaaro isugu jitay 6 dhimasho, dhowr dhaawac iyo 2 ka tirsan Ciiddankooda oo weli la la’ yahay.

Qoraal la soo dhigay Websaytka Ururka Midowga Afrika ayaa lagu xusay inuu Guddoomiye Muuse Faki Maxamed sheegay inay u mideysan yihiin farxad la’aanta Qoysaska Askarta laga dilay, dadka iyo Dowladda Burundi ee ay ku waayeen Ciiddamo Geesiyiin ah  oo naftooda u huray Hawlgalka AMISOM.

Waxa uu u rajeeyey Ciiddanka dhaawacmay inay sida ugu dhaqsaha badan u helaan bogsasho buuxda.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika, Muusa Faki Maxamed waxa u umar xaqiijiyey inay ka go’an tahay sidii ay DFS ugala shaqeyn lahaayeen  Nabadda iyo Ammaanka Somalia.

Waxa kale oo uu ugu baaqay Beesha Caalamka inay taageero sax ah siiyaan Somalia iyo Hawlgalka AMISOM si ay u mintidaan guusha Ammaanka ee laga gaaray Hawlgalka ay ka wadaan Somalia.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media