Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta waxaa lagu wadaa in kulan ay ku yeeshaan Xaruntooda Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.
Xalay ayaa waxaa loo diray Xildhibaanada Golaha Shacabka fariimo ku aadan in Maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 13-07-2019, uu jiro mid kamid ah kulamada Golaha,isla markaana laga doonayo inay ka soo qeyb galaan kulankaas.
AJENDAHA Kulanka ayaa waxaa uu yahay Akhrinta 1aad ee Hindise Sharciyeedka Baabuurta Xamuulka iyo Xeerka wadooyinka iyo Akhrinta 2aad ee Wax ka badalka Sharciga Duulista Rayidka.
Xarunta Golaha Shacabka ayaa haatan waxaa ka socda diyaar garow ku aadan sidii uu u furmi lahaa kulanka,kaasi oo saacadaha soo socda si rasmi ah u furmayo.