Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa uu si kulul uga hadlay weerarkii shalay gelinkii dambe lagu qaaday Hotelka Cas-caseey eek u yaalla Magaalada Kismaayo.
Xasan Sheekh ayaa waxaa uu sheegay in aad uga murugeysan yahay dhibaatadada xalay ka dhacday Kismaayo,waxaana uu tilmaamay in halkaas lagu dilay dad Soomaaliyeed oo waxgalka u ahaa bulshada.
Sidoo kale waxaa uu tacsi tiiraanyo leh u diray dhamaan ehelada dadkii ku geeriyooday weerarkaasi,isla markaana kuwii ku dhaawacmay ayuu ilaahay uga baryay in uu Caafimaad deg deg ah siiyo.
“Anigoo aad uga murugeysan dhibaatadii xanuunka badneyd ee xalay ka dhacday magaalada Kismaayo ee ay Al-shabaab ku dileen dad Soomaaliyeed oo waxgalka u ahaa bulshadeena ayaa waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhamaan ehelada dadkii ku geeriyooday weerarkaasi, kuwii ku dhaawacmayna waxaan ilaahay uga baryayaa in uu caafimaad deg deg ah siiyo.
Shacabka Soomaaliyeed meel weliba oo ay joogaan waxaan ugu baaqayaa in loo midoobo oo meel looga soo wada jeesto dagaalka ka dhan Al-shabaab”yiri Xasan Sheekh.