Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta waxaa lagu wadaa in Kulanka 27aad ee Kalfadhiga 6aad ee Golaha ay ku yeeshaan Xaruntooda Magaalada Muqdisho.
Ajendaha kulanka Aqalka Sare ayaa waxaa uu yahay Akhrinta labaad ee Hindise-sharciyeedka howlgabnimada, xaqsiinta, iyo Hibooyinka xubnaha Ciidamada Qalabka Sida.
Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa xalay waxaa loo diray fariimo lagu wargelinayo inuu kulanka, isla markaana looga baahan yahay inay kasoo qeyb galaan si loo dardargeliyo howlaha shaqo ee horyaalla.
Golaha Aqalka Sare ayaa shalay Akhrinta 1aad marsiiyay Hindise Sharciyeedka Doorashooyink Qaranka, waxaana Warbixin la xiriirta Sharciga Doorashooyinka Golaha kahor Akhriyay Guddiga KMG ee Diyaarinta Sharciga Dooorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacabka.