Howlgal dad lagu soo qabtay oo laga sameeyay Degmo ka tirsan G/Banaadir

Ciidamo ka tirsan kuwa amniga dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xalay howlgal ballaaran ka sameeyay Xaafado ka tirsan Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir.

Ciidamada ayaa howlgalka sigaar ah uga sameeyay Xaafadaha ku yaalla Nawaaxiga taalada daljirka Daahson, Tabeelaha Jacelka iyo meelo kale oo ka tirsan Boondheere, iyadoo lagu soo qabtay dhalinyaro badan.

Sidoo kale waxaa la sheegay in dadkii Ciidanka howlgalka ku qabteen la isugu geeyay goob barxad ah, isla markaana qaar kamid ah dhalinyarada la sii daayay, kadib markii baaritaano lagu sameeyay.

Waxaa kaloo Ciidanka ay baaritaano ku sameeynayeen gaadiidka noocyadiisa kala duwan ee isticmaalayay Wadoooyinka dhexmara xaafadaha xalay uu howlgalka ka socday.

Wararka ayaa intaas ku daraya in howlgalka intii uu socday Ciidamada ay guryaha qaar kala baxeen dhalinyaro, kuwaasi la sheegay in Ciidanka ay bartilmaameed u ahaayeen.

Ilaa iyo hada laamaha amniga dowladda wax faah faahin kama bixin howlgalkii xalay laga sameeyay Xaafado ka tirsan Degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media