Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan ayaa Maanta kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho.
Kulanka dhexmaray Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo James Swan ayaa waxaa looga hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka iyo arrimo kale.
Sidoo kale kulanka labada dhinac ayaa waxaa diirada lagu saaray qodobbo ay ka midyihiin Arrimaha mudnaanta qaran leh ee 2020 iyo sida ugu habboon ee Qaramada Midoobay u taageeri karto ahdaafta dalku uu leeyahay.
Si kastaba James Swan Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa kulamo kala duwan la qaatay Guddoomiyeyaasha Baarlamaanka labada Aqal ee dalka, isagoona kala hadlay Arrimaha Doorashada ee 2020/2021.