Golaha Aqalka Sare BFS ayaa ku yeeshay xarunta Aqalka Sare Kalfadhiga 6aad kulankiisa 2aad ayadoo Ajandaha kulanku ayaa ahaa:
1.Akhrinta 1aad ee Hindise-Sharciyeedka Dakhliga Guud ee Qaranka.
2.Ansixinta Xubin Cusub oo kamid noqaneeysa Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka.
Kulanka waxaa shir Gudoomiyay Guddomiyaha Aqalka Sare ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya Senatara Cabdi Xaashi Cabdullahi, waxaana goob jog ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Aqalka Sare Senatar Abshir Maxamed Axmad iyo Guddomiye Ku-Xigeenka 2aad Senatar Moowlid Xuseen Guhaad.
Wasiirka Maaliyada XFS Mudane Cabdiraxman Ducaale Beyle ayaa Golaha ka hor akhriyay Akhrinta 1aad ee Hindise-Sharciyeedka Dakhliga Guud ee Qaranka Wasiirka ayaa marka hore si faahfaahsan uga hadlay halka ay marayso hanaanka deyn cafinta Dalka Soomaaliya asigoo sheegay deynta Dalka lagu leeyahay in ay gaarayso 5 billion oo doolarka, deymahaas oo laqaatay inta u dhaxeysa 1965-1988.
Guddomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa Senatara Cabdi Xaashi Cabdullahi ku wareejiyay Hindise Sharciyeedka Dakhliga Guud ee Dalka Guddiga Maaliyadda Aqalka Sare si ay uga gutaan wajibkooda uga aadan.
Ugu danbeeyn Guddomiyaha Aqalka Sare Senatara Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa dib udhigay ajedaha 2 aad ee Kulanka , asagoo soo xiray kulanka.