Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa haatan ka socda diyaar garoowgii u dambeeyay ee ku aadan Magacaabista Golaha Wasiirada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan oo laga sugayo isku-Shaandheynta Golaha Wasiirada ayaa Wadatashiyo farabadan Caawa la yeeshay waxgaradka beelaha dega deegaanada Koonfur galbeed si Golaha Wasiirada loogu qanco.
Wararkii u dambeeyay ee aan Baydhabo ka heleyno ayaa waxa uu sheegayaa in Shariif Xasan Sheekh Aadan Saacadaha nasoo aadan uu ku dhawaaqi doono Golaha Wasiirada,waxana Baydhabo ku sugan Masuuliyiin ka tirsan Maamulka koonfur Galbeed.
Xogaha ay heleyso Dalsan ayaa waxa ay sheegayaan in Maanta la filayay in lagu dhawaaqo balse isqabqabsi ka dhahay dib udhac ku yimid taas oo la xiriirtay yareynta Golaha Wasiirada oo hada ah 64 Xubnood