Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad goboleedka Galmudug waxaa Maanta la filayaa in ay ka dhacdo doorashada Kursi ka banaan Golaha Shacabka Soomaaliya.
Kursigaan ayaa waxaa ka geeriyooday Allaha u Naxariistee Xildhibaan Bootaan Ciise Caalin,waxana Maanta la filayaa in ay ku tartamaan laba musharax,kuwaas oo shalay lagu soo dhaweeyey Magalada Dhuusamareeb.
Musharixiinta Maanta doorashada ka dhaceysa Dhuusamareeb ku tartami doona ayaa kala ah Cabdulahi Faarax wehliye iyo Maxamed Cilmi Afrax ( Mideeye).
Kursigaan ayaa ah kii ugu dambeeyey ee la doorto,iyada oo 4 Kursi ee ka banaanaa Golaha Shacabka lagu kala qabtay Magaalooyinka Muqdisho,Jowhar,Kismaayo,iyada oo kan ugu dambeeyo Maanta lagu qabanayo Dhuusamareeb.