Koox ku hubeysan hubka fudud ayaa weeraray Guri ay ku noolaayeen Qoys Soomaaliyeed oo ku yaala Magaalada Nacfill ee Gudaha Dalka Mareykanka.
Kooxda ayaa halkaasi ku dishay Hooyo iyo Wiilkeeda oo ku sugnaa Guriga ay weerareen,waxana Hooyada lagu magacaabaa Iisha Muuse,iyada oo kooxdii ka dambeysay dilkaas ay goobta ka baxsadeen.
Macada sababta loo dilay Hooyada iyo wiilkeeda Gudaha dalka Mareykanka iyo waliba cida ka dambeysa dilkaas.
Saraakiil ka tirsan dowladda Mareykanka ayaa waxa ay shEegeen in ay baaritaan ku hayaan cidii ka dambeysay dilkaas iyo sababta ay wax u dhaceen islamarkaana tuhun uu jiro.
Wararka qaar ayaa waxa ay sheegaayn in Kooxda ka dambeysay dilka Hooyada iyo wiilkeeda ay ahaayeen Burcad,islamarkaana ay ka dambeysay in Wiilka dhowr mar uu Bartiisa Facebook soo dhigay isaga oo lacag isku soo sawiray.