Sagaal iyo toban qof ayaa ku dhintay inta la ogyahay diyaarad ku burburtay bartamaha dalka South Sudan.
Wasiir katirsan xukuumadda dalkaas (Taban Abel) ayaa sheegay in diyaaraddan oo u kala gooshaysay magaalooyinka Juba iyo Yirol ay ku dhex dhacday xero xilli ay isku dayaysay in ay caga dhigato.
Waxa uu intaas ku daray in afar qof ay ka badbaadeen Shilka oo ay kamid yihiin laba caruur ah iyo dhakhtar Talyaani ah oo dhaawac halis ahi uu soo gaaray.