Wareegto ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha iyo dowlaha Hoose ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cali Cali Caadle ayaa waxaa xilkii looga qaaday Duqa Magaalada Baladweyne,iyadoona Mas’uul cusub loo magacaabay.
Marwo Safiyo Sheekh Cali ayaa loo magacaabay in ay noqoto Duqa Magaalada Baladweyne,iyadoona bedeysa Khadar Xasan Afrax oo ahaa Duqii horey ee Magaalada Baladweyne.
Sidoo kale Wareegtada lagu xusay sababta xilka loo qaaday Khadar Xasan Afrax,isla markaana waxaa la sheegay in ay tahay baahi loo qabo in is bedel lagu sameeyo xilka Duqa Baladweyne.
Maxamed Cali Caadle oo ah Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha iyo dowlaha Hoose ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa ku sugan Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.
Hoos ka Akhriso Wareegatada magacaabista.