Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Arbaco ah waxaa lagu wadaa in kulankii 2-aad ee Kal-fadhiga 7-aad ku yeeshaan Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.
Ajendaha kulanka Maanta ee Xildhibaanada ayaa waxaa uu yahay Akhrinta 2aad ee Hindin Sharciyeedka Nootaayooyinka, kaasi oo kal horey loo marsiiyay Akhrinta Koowaad, iyagoo Maanta marsiin doona Akhrintiisa labaad sida uu qorshahu yahay.
Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa xalay waxaa lagu wargeliyay inuu jiro kulan loogana baahan yahay inay kasoo qeyb galaan, si loo dardar-geliyo howlaha Golaha, maadaama muddo xiloodkoodka uu dhameeynayo dhamaadka sanadkaan 2020.
Kulan Xildhibaanada Golaha Shacabka ay yeelan lahaayeen Maalintii Isniinta aheyd ee lasoo dhaafay ayaa waxaa uu u baaqay Kooram la’aan, hayeeshee Maanta ayaa la filayaa inay kulan yeeshaan Golaha.