Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ayaa Howlgal qorsheysan ku gaaray Deegaanka War-xoolo oo ka tirsan Degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud kana mid ah deegaanada Al-shabaab ay ku sugan yihiin
Al-shabaabkii ku sugnaa deegaanka Deegaanka ayaa la sheegay inay isaga tageen deegaanka wabxo oo dhowr iyo toban KM u jira deegaankan, iyadoo Ciidanka Qalabka sida ay ka dajiyeen deegaankan Calanka Al-shabaab iyo Astaamohooda kale kuwaa oo goob fagaare ah lagu gubey .
Taliyaha Guutada 15-aad ee Qaybta 21-aad Sareeye Guuto Mascuud Maxamed Warsame iyo saraakiisha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ayaa bulshada Deegaanka War-xoolo kula hadley goob fagaare ah, waxaa ayna dadka deegaanku balan qaadeen in Ciidamada qalabka sida ay kala shaqeyn doonaan Dagaalka lagula jiro Argagaxisada .
Howlhalkan ayay sidoo kale ciidamadu ku gaareen Deeganada Ceelgod iyo Warar-dhuuma-leh oo dadka joogaa si diiran usoo dhoweeyeen socdaalka ciidamada.