Inkastoo ay Guddiga Madaxa Bannaan ee Xalinta Khilaafaadka Doorashadda Dadban horey u laaleen 11-xubnood oo ku soo baxay Doorashaddii Aqalka Hoose ee Barlamaanka Cusub ayaa waxaa uu haddana go’aan kale ka soo baxay Madaxda Madasha Wada-tashiga Qaranka (NLF).
War-murtiyeed laga soo saaray Shirkii ay Madashu ku lahaayeen magaalladda Muqdisho ayaa waxay Hoggaamiyayaashaasi isku raaceen in dib doorasho loogu celiyo 11-kii xubnood ee ay Guddiga Madaxa Bannaan ee Xalinta Khilaafaadka Doorashadda Dadban horey uga saareen Liiska Xildhibaanadda Aqalka Hoose ee Barlamaanka Cusub.
Magacyadda 11-ka xubnood ee dib loogu celiynayo Doorashadooda ayaa kala ah:
- C/llaahi Maxamed Aadan,
- Axmed Maxamed Abtidoon,
- Cabdi Maxamud Maxamed
- Sharmaarke Garaad Saleebaan Buraale,
- Maxamed C/llaahi Xasan Nuux,
- C/casiis Salaax Carmaan.
- Shiikh Shaacir Sh. Maxamed,
- Saalim Ibrahim Cumar,
- Muna Khaliif Sheekh Abu,
- Maxamed Saciid C/llaahi,
- Nadiifa Aadan Isaaq
©Radio Dalsan