Somalia oo noqotay dalkii ugu horreeyey ee Diplomaasiyiintooda joogay Caasimadda dalka Yemen ee loo wareejiyey magaalladda Cadan.

Maalintii shalay ayey Ergadda Diplomaasiyiinta Somalia joogta dalka Yemen waxay si rasmi ahaan uga soo guureen Caasimadda dalkaasi  ee Sanca oo ay Maleeshiyadda Xuutiyiinta maamulaan.

Waxayna Ergadaasi u soo wareegeen magaalladda Cadan oo ah Caasimadda KMG ee Dowladda Yemen ee ay QM aqoonsan tahay.

Wakalladda Rasmiga ee Wararka  u faafisa Dowladda Yemen ee SABA ayaa sheegtay in Madaxweynaha dalka Yemen, C/rabu Mansuur Haadi uu shalay Xafiiskiisa ku qaabilsay Danjiraha cusub ee Somalia u joogi doonaan dalkaasi, Ambassador C/llaahi Xaashi Shuuriye, kaasi oo u gudbiyey Waraaqihiisa Aqoonsiga Danjirenimo.

Madaxweyne Haadi oo ka hadlay Munaasabadaasi, waxa uu ka hadlay Xiriirka Walaaltinimo ee Labada Waddan iyo sidii loo xoojin lahaa Xiriirka Labada Waddan iyo inay Hay’addaha Ammaanka ee labada dal iska kaashadaan La-dagaalanka waxa uu ugu yeeray Kooxaha Argagixisadda ee ka soo gudba Xuduudaha.

Tan iyo markii uu dagaalka ka qarxa dalkaasi bishii March 26-dii ee sannadkii hore, waa markii ugu horreysy ee Madaxweynaha dalkaasi ka guddoomo Danjire Ajnabi ah Waraaqahiisa Aqoonsiga., wuxuuna Madaxweynuhu ballan qaaday inuu Danjiraha Somalia siin doonaan wax kasta oo Kaalmo ah muddada uu Hawsha Safiirnimo u joogo dalka Yemen

Bartamihii bishii November ee sannadkan ayey Dowladda Federalka Somalia go’aansatay in la xiro Safaaraddii ay ku lahayd caasimadda dalkaasi ee Sanca iyo in Hawlihii Safaaradda loo wareejiyo magalladda Cadan ee Koonurta Yemen.

©Radio Dalsan

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor