Agaasimihii hore ee Hay’adda Sirdoonka Qaranka, ahna Xoghayaha Guud ee Xisbiga Daljir, Axmed Macallim Fiqi ayaa maanta ku guuleystay Doorashadda xubnaha Galmudug uga mid noqonayo Aqalka Hoose ee Barlamaanka soo socda.
Axmed Macallim Fiqi waxa uu 45 dhibcood uga guuleystay Musharixii la tartamayey oo lagu magacaabo Iimaam Jaamac Yuusuf.
Dhinaca kale, Danjire C/salaan Xaaji Aadan “Dhaban-cad” iyo Xildhibaan Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa maanta qaadacay Doorashaddii maanta ka dhacday Hoolka Shirarka ee Caasimadda KMG ee Galmudug ee Cadaado, oo loogu tartamayey xubnaha Maamulka Galmudug ugu mid noqonayo Aqalka Hoose ee Barlamaanka soo socda.
©Radio Dalsan