Wareer lagu qaaday Hoteel ku yaalla Xeebta Liido ayaa waxaa ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh, waxaana la sheegayaa in weerarkaas uu ku geeriyooday mas’uul ka tirsan Dowladda Soomaaliya.
Dad shacab u badan ayaa ku dhintay weerarkaas oo qaraxyo ku billawday, waxaana markii danbe gudaha Hoteelka galay rag hubeysan kuwaas oo toogasho ku billaabay dadkii ku sugnaa Hoteelka oo ay ku jiraan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.
Alle ha unaxariistee qaraxa waxaa ku geeriyooday dad uu ka mid yahay agaasimihii xiriirka gobollada ee wasaaradda Warfaafinta Cabdirisaaq Cabdi waxaa sidoo kale ka mid ah dadka dhaawacmay Sawir qaade Maxamed Cabdi Xuseen oo ka tirsan howl wadeennada TV ga Qaranka.
Ciidamada ammaanka ayaa wada howlgal lagu badbaadinayo dadka shacabka ah ee hotelka la weeraray ku go’doonsan.
Wasiirka Warfaafinta XFS Maxamed Cabdi Xayir ayaa ka tacsiyadeeyay geerida agaasimhii xiriirka gobolada ee Wasaaradda & dadkii kale ee ku dhintay weerarkii ka dhacay Liido.