Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa dib ugu soo laabtay dalka, waxaana lagu soodhaweeyay Magaalada Garoowe ee Xarunta Maamulkaasi.
Deni ayaa soodhaweynta ka dib warbaahinta la hadlay waxaana uu si gaar ah uga hadlay mowqifkiisa ku aaddan shirka Dhuusamareeb3 oo loo madalsan yahay in dhawaan uu ka furmo Galmudug.
Waxaa uu sheegay madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni in ay ka tashan doonaan ka qayb galka shirkaasi, haddana aysan diyaar u ahayn in uu Dhuusamareeb u duulo.
Mas’uuliyiinta mamulka Puntland ayuu sheegay in uu kala tashan doono ka qayb galka shirkaaas.
Isbeddelka dhacau shirkii Dhuusamareeb2 ayuu sheegay in uu haa mid ay si weyn uga xumaaden, waxaana uu sheegay in loo baahna dar-dar galinta waxyaabihii kasoo baxay shirkii hore, balse xilka qaadistii xasan Cali Kheyre ayuu sheegay in ay waxyaabo badan ka baddashay waxyaabihii la isku af gartay.
Doorasho qof iyo cod ah oo dalka ka dhacda ayuu sheegay in ay diyaar u yihiin maamul koodu, waxana taas uu tilmaamay in aysan macquul ahayn marlka loo eego waqtiga yare e u harsan dowladda Farmaajo.
Shirka Dhuusamareeb ayaa waxaa la filayaa in uu Dhuusamareeb ka furmo, waxaana shirk aka maqan wali qaar ka mdi ah madaxda maamul Goboleedyada oo ay ka mid yihiin madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland.