Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa ka qaybgalay Aaska Alle ha u Naxariistee Gudoomiyahii Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Jubaland Shaafi Raabi Kaahin oo shalay qarax lagu dilay.
Labada Madaxweyne ku xigeen Gudoonka Baarlamaanka iyo dadweyne kala duwan ayaa sidoo kale ka qaybgalay Aaska Marxuum Shaafi Raabi Kaahin oo ahaa Guddoomiyihii Rugta Gancsiga.
Madaxweynaha oo Warbaahinta kula hadlay goobta Aaska ayaa sheegay in dagaalka ka dhan ah Al-shabaab aga wada qaybqaato, sidii looga hortagi lahaa isagoo sheegay in qof masaajid ilahay kasoo baxay in la dilo ay tahay mid uu Ciqaabtiisa dhadhamin doono qofkii falkaas gaystey.
Madaxweynaha ayaa Shacabka ree Jubaland iyo guud ahaan dadweynaha Soomaaliyeed ugu baaqay in loo midoobo dagaalka Al-shabaab si loo xaqiiiyo himilada Shacabka Soomaaliyeed ee ah inay Nabad iyo xasilooni ku noolaadan.
Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyiinta qaraxii shalay ka dhacay Magaalada Kismaayo, iyagoona sheegay inay ku dileen Guddoomiyihii Rugta Gancsiga Jubbaland Shaafi Raabi Kaahin, waxaana qaraxaas ku dhaawacmay dad dhow 8 qof.