Xildhibaanada Golaha Shacabka oo kulan uga socda Muqdisho

Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho ayaa Goordhow waxaa ka furmay mid kamid ah kulamadii caadiga ahaa ee Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kulankaas oo ah midkii 25-aad ee kal-fadhiga 7-aad ee Golaha ayaa waxaa shir guddoominaya Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo labadiisa ku-xigeen.

Sidoo kale kulanka socda ayaa waxaa goobjoog ka ah 147 Mudane oo ka tirsan Xildhibaanada Golaha Shacabka, iyadoona Ajendaha uu yahay Akh 2aad ee Sharciga Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa tan iyo markii la daah-furay kal-fadhiga 7-aad ee Baarlamaanka waxaa ay ku ansixiyeen sharciyo kala duwan, iyadoona weli ay horyaalan, kuwo kale oo looga baahan yahay inay ansixiyaan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media