Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa khadka taleefoonka kula hadlay Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Finland, Matti Vanhanen.
Labada Guddoomiye Baarlamaan ayaa ka wada hadlay Arrimo ay kamid yihiin xiriirka iyo saaxibtinimada labada Baarlamaan iyo wada shaqeeyntooda, sida lagu sheegay Qoraal kasoo baxay Xafiiska Guddoomiye Aadan Madoobe.
Sidoo kale inta uu socday kulanka khadka Telefoonka ayaa waxaa isla soo qaaday xiriirka soo-jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal, iyo iskaashiga labada dowladood ee Soomaaliya iyo Finland ee dhinacyada horumarka iyo kobaca dhaqaalaha.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa sheegay in laga wada shaqeeyo xiriirka soo-jireenka ah ee ka dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Finland.