Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Maanta ka qeyb galay kulanka Wadatashiga Hormarinta Amniga degmada kaaraan ee Gobolkaan Banaadir.
Guddoomiye Cumar Filish oo ka hadlaayay Munaasabadda oo ka qeyb galeen Wasiirka Aminiga, Xildhibaano, duubabka dhaqanka iyo Mas’uuliyiin kale ayaa sheegay in amni xumida ka jirta degmada Kaaraan ee sababtay inay yaaraadan dhaq-dhaqaaqyadii Ganacsiga.
Duqa Muqdisho ayaa tilmaamay in Kaaraan ku yaallo suuq Maandooriyaha lagu iibiyo, lehna warshado qamri macmal lagu farsameeyo oo aan si sahlan lagu suuli karin, ayna leeyihiin ilaalo hubeysan iyo awooddo aanu carabaanin.
Isaga oo sii hadlaayay Guddomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed ayuu sheegay in kooxahaas hubeysan ee ilaaliya Warshada ay ka awood badan yihiin Ciidanka Booliska, Nabadsugida iyo Maamulka degmada.
Ugu dambeyn Duqa Magaalada Muqdisho ayaa ku baaqay in meel looga soo wada jeesto kooxaha falalka amni darro ka wada degmada Kaaraan ee xiliyada qaarkood dila shacab aan waxba galabsan, isagoona caddeeyay in tallaabo laga qaadi doono dadka dhibaatada wada…