Xukuumada Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta ayaa War kasoo saartay warar saacadihii lasoo dhaafay sheegayay in dowladda ay qorsheyneyso inay weerar ku qaado Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Gobolka Banaadir Saadaq Xasan Cumar Saadaq Joon.
Wasiirka Amniga Xukuumadda xilgaarsiinta Xasan Xundubey Jimcaale oo saqdii dhexe ee xalay warbaahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in dowladda aysan qorshaha ugu jirin inay weerarto Taliyihii hore ee Booliska Gobolka Banaadir Jeneraal Saadaq Joon.
Waxaa uu sheegay Wasiir Xundubey in haddii ay dowladda rabto inay tallaabo ka qaado Saadaq Joon ay goor hore ka qaadi laheyd, hayeeshee haatan uusan jirin qorshe ku aadan in Saadaq Joon la weeraro.
“Arrinta ku saabsan Saadaq Cumar Xasan Taliyihii hore ee Booliska Gobolka Banaadir dowladda haddii ay rabto inay tallaab k qaado saacadihii hore ayay ka qaadi laheyd, laakiin lama qorsheyn ninkas arrintiisa in wax tallaab ah laga qaado,”ayuu yiri Wasiirka amniga Xukuumadda.
Sidoo kale Wasiir Xasan Xundubey Jimcaale ayaa tilmaamay in xaafadda uu degan yahay Saadaq Joon ee Shirkoole ay tahay deegaan bulsho nabdoon degan yihiin, isla markaana wax dan ah aysan ku jirin in halkaas weerar lagu qaado.
Ugu dambey Wasiirka amniga Xukuumadda digniin u diray siyaasiyiin iyo dad kale uu sheegay in ay hurinayaan colaada, waxa uuna shacabka ugu baaqay in ay ilaashadaan amaanka iyo xasiloonida ay ku heestaan Caasimadda dalka ee Magaalada Muqdisho.
Si kastaba Saadaq Xasan Cumar Saadaq Joon ayaa xalay kasoo guuray halkii uu ka deganaa Muqdisho, isagoo saldhigtay xaafadda Shirkoole , isla markaana waxaa halkaas ugu tegay Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka oo sheegay in dowladda ay weerar ku tahay Taliyihii hore Booliska Banaadir Saadaq Joon oo xilkii laga qaaday.