Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Shil gaari oo xalay ka dhacay wadada dheer ee xiriirisa Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal iyo degmada Dongoroyo, kaasi oo sababay khasaaro dhimasho ah.
Shilkaas ayaa waxaa uu ka dambeeyay, kadib markii ay isku dhaceen gaari nooca xamuulka qaado ah iyo mid kale oo yar oo ay saarnaayeen dadku qoys ah, waxaana shilkaas uu ka dhacay xili labada gaari ay isaga hor yimideen tuulada Libaaxo.
Inta la xaqiijiyay Shilka ayaa waxaa ku geeriyooday saddex qof oo isku qoys ahaa, kuwaasi oo kala ahaa Wariye Nuur Jaamac Aadan oo ka howlgalayay Garoowe, hooyadiis iyo walaashiis oo wada socday.
Sawirro laga qaaday goobta uu shilku ka dhacay ayaa muujiyay in gaariga yar oo ay wateen Wariye Nuur Jaamac uu si xun u burburay, kadib markii ku dhacay gaariga weyn oo la tilmaamay inuu ku socday xawaare sare.
Meydka saddexda marxuum ayaa isla xalay la geeyay Isbitaalka weyn ee Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, iyagoona si weli uusan jirin wax war ah oo kasoo baxay Saraakiisha Ciidanka Taraafikada ee Gobolka Nugaal.
Dhowr jeer oo horey ayaa waxaa sidaan oo kale wadada dheer ee xiriirisa Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal iyo degmada Dongoroyo uga dhacay shilal kala duwan oo geystay khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac.