Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa Maanta xukun ku riday Tifatiraha Warbaahinta Goobjoog ee Magaalada Muqdisho Cabdicasiis Axmed Gurbiye, kaasi oo saddex jeer kasoo muuqday Maxkamadda Gobolka.
Maxkamadda Gobolka ayaa Wariye Cabdicasiis Gurbiye ku xukuntay 6 Bilood oo xarig ah, waxaana Maxkamadda ay sheegtay in xukunka Cabdicasiis loo Cuskaday Qodobka 368 oo ah faafinta War been abuur ah.
Kiiska Tifatire Cabdicasiis Gurbiye ayaa soo jiitamayay labdii bilood ee lasoo dhaafay, waxaana Maxkamadda Gobolka 23-kii bishaan ay soo gaba-gabeeysay dhageysiga Dacwada loo geysto Wariyaha , iyadoo ugu dambeyn Goโaan ka gaartay kiiskaas.
Madaxtooyadda Soomaaliya oo la sheegay inay marka hore soo abuubushay Kiiska Wariye Gurbiye ayaa iska fogeeysay inay wax lug ku leedahay arrintaas, waxaana Cabdicasiis lagu soo oogay kiis ah warar been abuur ah oo uu ku qoray bartiisa Facebook.