Isutagga Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee FESOJ ayaa si kulul u cambaareeyay xariga sharci darrada ah ee lagu riday Wariye Cabdicasiis Gurbiye oo ah tafaftiraha warbaahinta Goobjoog ee Magaalada Muqdisho.
Waxaa ay caddeeyen Isutagga Suxufiyiinta FESOJ in xukunka Maxkamadda Gobalka Banaadir ku riday Wariyaha inuu yahay mid siyaasadeysan, iyadoo xeer ilaalinta Saddex jeer badashay Kiiskiisa ayna cadeynin cidda soo dacweysay ilaa hadda.
“Maxkamadda ayaa horay uga diiday Cabdicasiis inuu wax qoro Afar Bilood oo banaanka uu ku joogay damiin, waxeyna nagu noqotay lama filaan in xeerka ciqaabta Soomaaliyeed loo adeegsado kiiska Wariyaha oo aan ka dignay dhowr jeer in maanta Lix bil oo xabsi ah lagu xukumay ma ahan wax la aqbali karo” ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay Ururka FESOJ.
Sidoo kale Qoraalka Ururkaas ayaa waxaa lagu sheegay in FESOJ xukunka Maxkamadda Gobolka Babnaadir ay ku riday Cabdicasiis Axmed Gurbiye ay ka qaadan doonto Racfaan.
Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa Maanta xukun ku riday Tifatiraha Warbaahinta Goobjoog ee Magaalada Muqdisho Cabdicasiis Axmed Gurbiye, waxaana ay xukuntay 6 Bilood oo xarig ah, waxaana Maxkamadda ay sheegtya xukunka Cabdicasiis loo Cuskaday Qodobka 368 oo ah faafinta War been abuur ah.