Xildhibaanada Baarlamaanka dowlad Goboleedka Puntland ayaa waxaa Magaalada Garoowe gaar ahaan Xaruntood uga socda kulanka 28-aad, Kalfadhiga 46-aad ee Golaha Baarlamaanka.
Ajendaha kulankaas ee uu socda Xildhibaanada Puntland ayaa waxaa uu yahay Dib-u eegista heshiiska Shirkadda DP-WORLD ee ku aadan Dekadda Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.
Sidoo kale Xildhibaanada ayaa u yeeray Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Puntland Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino), isagoo haatan goobjoog ka ah kulanka Xildhibaanada, sidoo kalena wax laga weydiinayo heshiiska DP-WORLD.
Xildhibaannadda dorraad ka yeeshay dood-sharci Arrimaha Xuduudaha Puntland, Gobollada Sool iyo Sanaag, ayaa shalay isku raacay in Qodobkaas lagu-daro Qodobka la Xisaabtanka Xukumadda Madaxweye Saciid Deni.