Maxkamadda sare ee maamulka Puntland ayaa maanta markii 3-aad u fariisatay dhageysiga gal dacwadeedka la xiriira kiiskii Caa’isha Ilyaas ee iskugu jiray dilka iyo kufsiga.
Maxkamadda ayaa xukun dil toogasha ah waxa ay ku ridday 3-aas ruux oo laba ka mid ah ay walaalo yihiin waxaana lagu helay sida maxkamaddu sheegtay cadeeymo la xiriira kufsiga iyo dilka in ay ka dambeeyeen.
Horay ayaa sidaan oo kale 3-daan ruux waxaa loogu soo xukumay dil hase’ahaatee kiiska ayaa loo soo gudbiyay maxkamadda sare iyada oo ku raacday go’aankii hore.