Waxaa goor dhow la soo geba-gebeeyay doorashadii madaxweynaha maamulka Jubbaland oo ka socotay magaalada Kismaayo waxaana doorashadaas ku guulaystay madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.
3-Musharax oo kala ahaa Axmed Maxamedc Islaam, Canab Maxamed Daahir, iyo Maxamuud Maxamed Cumar ayaa ku wada tartamay doorashada waxaana iyada oo aan tirinta codadku bilaaban hoolka is qabsaday sawaxan iyo mashxarad.
Axmed Maxamed Islaam ayaa ku horeeyay codadka waxaana uu helay 56-cod Canab Maxamed Daahir ayaa iyana heshay 17-cod halka Musharaxa kale ee Maxamuud Maxamed Cumar uu helay 1-cod oo kaliya.