Magaalada Muqdisho ayaa waxaa xalay kulan xasaasi ah ku yeeshay Madasha Xisbiyada Qaran ee looga dhawaaqay Caasimadda iyo xubno ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.
Kulanka oo ahaa mid Albaabada u xirnaa ayaa waxaa looga hadlay diyaarinta Ajendayasha shirka Maalinta berri ay yeelan doonaan Madaxda Sare ee dowladda Federaalka iyo hoggaanka Madasha Xisbiyada Qaran.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in kulanka xalay ka dhacay Magaalda Muqdisho dowladda uu ku matalay Taliyaha nabadsugida iyo Sirdoonka qaranka ee Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, halka dhinaca Madasha uu uga qeyb galay Xildhibaan Axmed Macalin Fiq oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka.
Shirkan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa, iyadoo todobaadkii la soo dhaafay Muqdisho ay kulan ku yeesheen Hoggaamiyaha Madasha Xisbiyada ahna Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed iyo Fahad Yaasiin, kaasi oo bilow u ah wadahadal labada dhinac dhexmara.
Si kastaba Maalinta berri ah oo Arbaco ah ayaa la filayaa in kulan xasaasi ah ay yeeshaan Madaxweyneyaashii hore ee Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sh Axmed iyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaasi oo looga hadli doono arrimo kala duwan oo ku aadan dhanka siyaasadda dalka.