Muxuu ka yiri Baarlamaanka Carabta Weerarkii lagu qaaday Luul Yemeni?

Guddoomiyaha Baarlamaanka Jaamacada Carabta Adel bin Abdulrahman Al-Asoumi ayaa si kulul u Canbaareeyay qaraxii Al-shabaab ku weerareen habeen kahor  Maqaayada Luul Yemeni ee degmada Xamar-jajab ee Gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha ayaa waxaa uu adkeeyay hiilka iyo isgarab taaga buuxa oo Baarlamaanka Carabtu u hayo Jamhuuriyada Federaalka ee Soomaaliya, uuna taageersan yahay dadaalada ay wado ee waxa loogu yeero argagaxisada lagula dagaalamayo.

Guddoomiyaha wuxuu ku nuux nuuxsaday diidmadiisa adag ee ka dhanka ah dhamaan falalka lala beegsanayo rayidka kuwaas oo ka hor imaanaya dhamaan qawaaniinta  caalamiga ah isla markaana halis ku ah amaanka iyo xasiloonida.

Ugu danbeyntii wuxuu guddoomiyaha uga tacsiyeeyay Madaxda dowlada Soomaaliya, shacabka iyo ehelada dadkii ku dhintay qaraxa wuxuuna soo ka basho dhaqso leh u rajeeyay dadkii ku dhaawacmay.

Intab la xaqiijiyay in ka badan 15 qof ayaa ku geeriyooday qaraxii ka dhacay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Maqaayada Luul Yemeni oo ku taalla degmada Xamar-jajab, waxaana ku dhaawacmay dad ku dhow 30 ruux, iyadoona Al-shabaab ay sheegteen Mas’uuliyadiisa.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor