Taliska ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyay dagaal xubno ka tirsan Alshabaab iyo ciidamada dowladda ku dhexmaray deegaano hoostaga degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool halkaas oo dagaal khasaaro geystay uu ka dhacay.
Saraakiil u hadlay milataiga dowladda fedraalka Soomaaliya ayaa sheegay in xubno ka tirsan dagaalamayaasha Alshabaab lagu laayay degaan 20 KM dhanka koonfureed kaxiga degmada Xudur ee gobolka bakool oo dagaalka xooggiisu uu ka dhacay.
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage oo la hadlay Warbaahinta dowladda ayaa ayaa sheegay Ciidamadda in ay dileen 37- Al-Shabab ah iyo 3-horjooge kuwaasi oo uu kamid yahay horjoogihii uqaabilsanaa Alshabaab degmada xudur iyo nawaaxigeed sida uu hadalka u dhigay.
Marka lagasoo tago guulaha saraakiisha ciidamada dowladdu ay ka sheegteen dagaalkaas ka dhacay duleedka degmada Xudur ma jiraan ilo madax banaan oo xaqiijin kara tirade dhimashada Alshabaab ee saraakiishu ay sheegeen.