Ciidamada amniga oo gacanta ku dhigay Rag qaraxyo watay Xilli maanta Banaanbaxyo ay ka dhacayeen Muqdisho

Ciidamada amniga ayaa maanta siyaabooyin kala duwan uga hor tegay qaraxyo taliska boliisku ay sheegeen in lagu dhejinlahaa gaadiid iyo kuwa Ismiidaamin lala damacsanaa.

Afhayeenka Ciidanka Boliiska Dhame Sadiiq Aadan Cali  oo la hadlay Idacda dalsan ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ciidamada amniga oo feejigan ay gacanta ku dhigeen nin uu sheegay in uu Miino ku dhejin lahaa Gaari isla markaana lagu qabtay EX: Koontarool Afgooye ee magaalada Muqdisho inkasa oo uu tilmamaay in uu dhaawac yar soo gaaray.

Afahayeenka ayaa tilmaamay in isla daqiiqado kadib ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen nin watay Jaakadda qaraxyada Ismiidaaminta ah loo adeegsado haatana uu ku jiro gacanta hay’adaha amniga.

Qaraxyada iyo raga watay ee ay maanta qabteen ciidamada amniga ayaa kusoo beegmaya xilli magaalada Muqdisho ay ka dhacayeen banaanbaxyo lagu taageerayay hadalkii shalay madaxweynuhu uu ka sheegay furitaanka Kalfadhigii 7-aad ee golaha Shacabka ee uu kaga dalbaday labada aqal in ay de dejiyaan Matalaad uu yeesho gobolka Banaadir.

 

 

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media