Xoghayaha Guud ee Xiriirka Suxufiyiinta Caalamiga (The International Federation of Journalists ee IFJ, Anthony Bellanger ayaa cambaareeyey weerarkii dorraad lagu dilay Allaha U Naxariiste Weriye C/casiis Maxamed Cali Xaaji oo ka tirsanaa Weriyayaasha Radio Shabelle.
Hadal-qoraal oo uu soo saaray Mas’uulkaasi ayuu sheegay inay walaac xooggan ka qabaan Tacadiyadda loo geysanayo Suxufiyiinta ka hawlgala gudaha Somalia, wuxuuna ku baaqay in la soo dhamaystiro Beegsiga Suxufiyiinta.
“Somalia waxay tahay dalalka ugu khatarta badan Caalamka ee lagu dhibaateeyo Suxufiyiinta” ayuu yiri Xoghayaha Guud ee IFJ, oo ugu baaqay Madaxda Dowladda in Sharciga la hor keeno kooxaha ka dambeeya dilalka Suxufiyiinta.
Xiriirka IFJ waxay ka codsadeen Dowladda Federalka iyo Hay’addaha Caalamiga ee ku sugan gudaha Somalia inay badbaadiyaan Xuquuqda Aadanaha ee Suxufiyiinta iyo inay sameeyaan wax kasta oo awoodooda si loo baaro dilkii Weriye C/casiis Maxamed Cali Xaaji, loona soo maxkmaadeeyo kuwii dilay Weriyahaasi.
Dhinaca kale, Xiriirka IFJ waxay ka tacsideyeen geerida Weriye C/casiis Maxamed Cali Xaaji oo ay tilmaamtay inuu ka mid noqday Liiska dheer ee Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee noloshooda ka waayey Hawlahooda Suxufinimo ee ay ugu adeegayaan Ummadda Soomaaliyeed.
©Radio Dalsan