Afhayeenka Taliska Dhexe ee Milliteriga Maraykanka, Major Josh T. Jacques ayaa faahfaahin ka bixiyey duqeymo ay Maraykanka maalmihii Isniinta iyo Arbacadda ka geysteen duleedka magaallooyinka Kismaayo iyo Gaalkacyo.
Afhayeenka waxa u uintaasi ku daray in weerarkii shalay ka dhacay duleedka Gaalkacyo uu ahaa mid lagu qaaday Dagaalyahano Alshabaab ah, waa sida uu hadalka u yiri, balse Maamulka Glamudug ayaa sheegay in duqeyntaasi lagu dilay 17 Askari oo ka tirsanaa Galmudug.
Major Josh T. Jacques waxa uu ku dooday in duqeyntaasi la qaaday si loo difaaco La-taliyayaal Maraykan iyo Ciiddan Somali oo la soo weeraray.
Dhinaca kale, Afhayeenka Waaxda Gaashaandhigga Maraykanka “The Pentagon”, Captain Jeff Davis ayaa isagana sheegay in duqeyntii ka dhacday duleedka Galakacyo ku dileen 13 Dagaalyahan oo ka tirsan Xarakadda Alshabaab, waa sida uu hadalka u yiri, inakstoo ay Xarakadda Alshabaab sheegeen inaysan wax Saldhig ah ku lahayn duleedka Gaalkacyo.
Maamulka Galmudug waxayku eedeeyeen Maamulka Puntland inay soo maleegeen duqeynta lagu dilay Askarta Galmudug, inkastoo aysan Puntland wax war ah ka soo saarin Eedeyntaasi.
©Radio Dalsan