Wasiirka Amniga Federaalka, S/Guuto Cabdullaahi Sheelkh osmaaciil Fartaag ayaa maanta Magalada Dhuusamreeb ee Caasimadda Galmudug ka daahfuray shirka wadatashiga Hormarinta Amniga ee Wasaaradaha Amniga iyo Talisyada Boliiska heer faderaal iyo heer Dowlad goboleed.
Shirkaan oo ay marti galisay markii ugu horaysay Dowladda Galmudug ayaa waxaa kasoo qaybgalay Wasiirka Amniga DFS S/guuto Cabdulaahi Sh.ismaaciil Fartaag /Taliye Xigeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto Cusmaan Cabdulaahi maxamed kaniif ,Wasiirada Aminga iyo Taliyaasha Boliiska Dowlad Goboleedyada dalka, Golaha wasiirada Galmudug
Shirkan oo ah mid looga hadlayay Istiraatijiyada Amniga dalka iyo qorshaha wadajirka Boliiska ayaa waxaa ugu horeyn hadal kajeediyay Agaasimaha guud ee Wasaarada Amniga DFS
Wasiirka Wasaaradda Amniga DFS Cabdullahi Shiiq Ismaciil (Farataag) ayaa ka warbixiyay ujeedada shirkan iyo muhiimadiisa. Iyo Tayeyta Ciidanka Boliiska Heer Federaal iyo Dowlad Gobeelkaba