Xiriirka K/cagta ee Kenya oo diiday martigelinta Ciyaar dhex mari lahayd xulalka K/cagta ee Somalia iyo Rwanda

Tartan K/cagta oo ka tirsan Is-reebreebka ciyaaraha Olombikadda Adduunka ee sannadka 2016-ka oo Xulalka K/cagta ee dalalka Somalia iyo Rwanda ku dhex mari lahaa magaalladda Nairobi ayaa loo wareejiyey dalka Djibouti.

Xoghayaha Xiriirka K/cagta ee Kenya, Michael Esakwa ayaa sheegay in xaalladda ammaanka ee Gobalka oo sii kordhaysa awgeed  inay waajib tahay inay Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Kenya ka helaan  fasax.

Dhinaca kale, Afhayeenka Xiriirka Soomaaliyeed ee K/cagta, Shaafici Muxyaddiin ayaa soo saaray qoraal lagu dhaliilayo go’aankaasi.

Waxa uu qoraalkiisa ku  sheegay inay la-yaab ku noqotay arrintaasi, kadib, markii ay Xiriirka K/Cagta Kenya (FKF) ka heleen qoraal ay ku sheegeen inaysan awood u lahayn inay martigeliyaan Ciyaarta dhex mari lahayd  Xulalka K/cagta ee Somalia iyo Rwanda.

“Xiriirka K/cagta ee Kenya waxay qaadeen tallaabo aan loo baahnayn, kuna fiicnayn ciyaaraha, isla markaana ay dhaawacayso xiriirka u dhexeeyey labada Xiriir” ayuu yiri Shaafici Muxiyaddiin.

Dhinaca kale, Dowladda Djibouti ayaa oggolaatay inay marti-geliyaan lugta labaad ee Ciyaarta dhex marayso Xulalka K/cagta ee Somalia iyo Rwanda, taasi oo lagu wado in la ciyaaro bishan May 9-da.

Lugta Koowaad ee Ciyaartaasi oo labo isbuuc ka hor ka dhacday Caasimadda dalka Rwanda ee Kigali waxaa Xulka Somalia loogu itaal sheegtay 2-0.

 

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor