Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Britain ee Downing Street ayaa shaaciyay in Boris Johnson uu Isniinta soo socota shaqada kusoo laaban doono.
Muddo laba todobaad laga joogo ayay ahayd markii uu Ra’iisal wasaaraha ka soo baxay cisbitaal ku yaal London, halkaasi oo uu mar cudurka Covid-19 u galay qeybta xaaladda degdega ah.
Waxaa uu saameynta xanuunka uga soo reysanayay hoygiisa rasmiga ah, halkaasi oo uu telefoonka kula hadlay Boqorad Elizabeth, golihiisa wasiiradda iyo Madaxweyne Trump.
Mr Johnson ayaa xafiiska kusoo laabanaya xilli uu wajahayo dhaleeceyn ku aaddan qaabka uu ula tacaalay cudurka safmarka ah ee Covid-19.
Ilo wareedyo ka tirsan dowladdiisa ayaa sheegay inuu aad uga taxadari doono goorta iyo qaabka loo qaadayo xayiraadda saaran Britain ee uu keenay cudurka.
Xoghayaha arimaha gudaha, Priti Patel, ayaa meesha ka saartay khafiifinta tallaaboyinka ay qaaday dowladda, kadib markii uu xoghayihii hore ee maaliyadda, Philip Hammond ku biiray dadka ku baaqaya in xukuumadda ay la timaado qorshe ay dib ugu hawlgelinayso dhaqaalaha dalka.