Xildhibaanadii mooshinka ka gudbiyey Gudoomiyaha Golha Shacabka Soomaaliya ayaa saakay arroortii ku kalahay Xarunta Golaha Shacabka Soomaaliya kadib markii shalay kulanka lagu wargeliyey.
Warar soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan in kulanka Baarlamanka uu dib u dahcay kadib kulan xalay u socday oo ilaa saakay soo gaaray Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Xildhibaanada ku sugan Xarunta Golaha Shacabka gaar ahaan kuwii mooshinka gudbiyey oo aan la hadalnay ayaa waxa ay sheegeen in kulanka Baarlamaanka uusan baaqain,isla markaana uu jiro wararka sheegaya in uu baaqdayna ay Warbaahinta geliyeen xildhibaannada kale ee mooshinka ka soo horjeeda.
Wadooyinka Muqdisho badi ayaa saakay xiran,iyada oo dadka qaarkood xataa lugta loo diidayo,waxana la arkayaa xildhibaannada Baarlamaanka oo ku sii qul qulaya Xarunta Golaha Shacabka.