Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Hirshabeelle oo ku sugan Magaalada Jowhar ayaa kasoo horjeestay Safarkii Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare uu shalay ku gaaray Degmada Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan.
Xildhibaanada oo warbaahinta kula hadlay Jowhar ayaa waxaa ay sheegeen in safarkii shalay Madaxweyne Waare uu ku tegay Buulo-burte uu yahay mid sharci darro ah, isla markaana ay tallaabaas kasoo horjeedan.
Sidoo kale Xildhibaanada ayaa ka hadlay khilaaf maalmihii lasoo dhaafay ka jiray Buulo-burte oo ku aadan maamul Cusub oo uu Wasiir Maxamed Cabdi Caadle u magacaabay Degmadaas, iyagoona sheegay inay aad uga xun yihiin arrimaha ka socda Degmada.
Xildhibaanada ayaa Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare iyo Wasiir Caadle ku eedeeyay in sabab u yihiin Khilaafka ka jira Buulo-burte, isla markaana ay doonayan inay iska hor keenaan qaabi’lada degan halkaas.
Iyaga oo sii hadlaayay ayay Xildhibaanada tilmaameen in Buulo-burte ay Go’doonsan tahay muddo dhowr sanno ah oo ay hawad kaliya u furan tahay ayna shacabka dhibaato badan qabaan, balse haatan Hirshabeelle aan laga dooneyn inay dhibaato kale abuurto.
Si kastaba Degmada Buulo-burte ee Gobolka Hiiraan ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa ka jiay Khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeyay Odayaasha dhaqanka iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabeelle, waxaana Degmadaas lagu wadaa in laga dhiso Gole deegaaan.