Wararka aan ka heleyno Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in dagaal xoogan oo u dhexeeyay Ciidamo ka tirsan kuwa Kenya iyo Al-shabaab xalay uu ka dhacay deegaan ka tirsan Gobolkaas.
Dagaalkan ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Al-sabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidanka Kenya ay ku leeyihiin deegaanka Kulbiyoow, iyagoona isku adeegsaday hubka noocyadiis kala duwan.
Dadka deegaanka Kulbiyoow ayaa soo sheegaya inay jugta rasaas iyo madaafiic xooggan ka maqlayeen dhanka xerada Ciidamada Melleteriga Kenya ku sugan yihiin ee deegaanka.
Al-shabaab ayaa ka hadlay weerarkii xalay ka dhacay deegaanka Kulbiyoow oo socday muddo ku dhow hal saac, iyagoona sheegtay inay Khasaaro ku gaarsiiyeen Ciidanka Kenya ee ku sugnaa Saldhiga ay weerareen.
Sidoo kale Al-shabaab ma aysan sheegin Khasaaraha ay gaarsiyeen Ciidamada, waxaana Shabaabka inta badan weeraro kala duwan xiliyada qaar ay ku qaadan Saldhiga ay leeyihiin Ciidamada Kenya ee ku yaalla deegaano Gobolada Jubbooyinka.